Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo Ansixiyay miisaaniyadda 2021

Jowhar (Halqaran.com) – Kalfadhiga 1aad Kulankiisa 12 ee Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo uu Shir Guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle Dr. Cabdixakim Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa ka qabsoomay magaalada Jowhar.

Ajandaha kulankaan ayaa ahaa ansixinta Miisaaniyadida Sanadka 2021 ee Dowlad Goboledka Hirshabeelle

Ugu horeyn Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Yuusuf Macalin Xasan Jeelle ayaa Xildhibaannada kahor akhriyey Miisaaniyada dowlad Goboledka Hirshabelle ee Sanadka 2021

Sidoo Kale Xoghaya Guud ee Golaha Mudane Cabdiwaaxid Maxamed Xuseen ayaa Golaha u akhriyey Warqada soo Gudbinta Miisaaniyadda.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamanka  Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan ayaa Xildhibaannada ka codsaday inay go’aan ka gaaran Miisaaniyadda, Maadama Sanadka 2020 uu gabo gaboyahay, loona baahanyahay in Miisaaniyadda Sanadka 2021 go’aan laga gaaro si uusan hakad ugu imaan howlaha ay Hay’adaha Dowlad Goboledka Hirshabelle u hayaan Shacabka Dowlad Goboledka Hirshabeelle

Baarlamanka Hirshabelle ayaa cod gacan taag ku ansixiyey Miisaaniyada 2021, waxaana natiijada codeynta ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed.

“Waxaa ogolaaday 71 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 2  mudane halka uu diiday 1 Xildhibaan, sidaas ayuuna ansax ku yahay miisaaniyadda” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...