Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Amarro culus oo lagu soo rogay Hay’adaha ka howlgala Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu amar culus kusoo rogay hay’adaha ka Shaqeeya dhinaca arrimaha Bulshada, sida dhamaan Hey’addaha NGO’s ka National iyo International ee ka Howlgala Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye kuxiegenka Arrimaha Bulshada Maamulka gobolka Banaadir  Marwo Basma Caamir  oo la ogeeysiiyay dhamaan Mas’uuliyinta Maamulka gobolka Banaadir oo ay ku jiraan maamulada degaannada Garas-baaleey, gubadleey iyo daaru-Salaam ayaa waxaa amar la dul-dhigay Hay’adaha ka howlgallka Magaalada Muqdisho.

Halka hoos Ka Akhriso Amarraada kasoo baxay Maamulka G/Banaadir:

1- In Dhamaan hay’adaha ka Shaqeeya arrimaha Bulshada aysan ka howlgelli karin magaalada Muqdisho, iyaga oo aan warqad ruqso ah ka heysan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha bulshada maamulka G/Banaadir  inta uusan dhamaan Sanadka 2020.

2- In Hay’addii aan isku soo diiwaangelin Shaqooyinka u diyaarsan sanadka 2021 in aysan ka Shaqeyn doonin dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir laga bilabo horaanta sanadka 2021.

3- Kadib markii lagu arkay habka ay wax u maamulaan hay’adaha Bixiya Gargaarka ka Shaqeeeya arrimaha Bulshada degmooyinka Gobolka Banaadir in aysan aheyn wax ku haboon dadka la gaarsiinayo ayaan waxaan go’aan sanay in jaangoon iyo nidaam ku sameeyno hay’ad kasta oo ka Shaqeeysa arrimo bulsho si ay u yaraato isbarbar yaaca ka jira markii ay timaado qeybin, xog arruurin ama qiimeyn.

4- In dhamaan hay’adaha ka howlgalla gobolka Banaadir laga bilaabo Maanta inay iska soo diiwaangeliyaan Xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha bulshada maamulka G/Banaadir  Basma Caamir Shakeeti.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...