Jowhar (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dowlad goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayna wehlineysay Guddoomiye ku-xigeemka 2-aad Marwo Faadumo Cabdi Cali oo Shir guddoominayay kulankii maanta ayaa waxaa uu ahaa Ajandihiisa.
- Akhrinta 3-aad iyo Ansixinta Hindise Sharciyeedka Miisaaniyadda 2021.
- Bandhigga iyo Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ruqsadaha Ganacsiga Galmudug.
Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka oo miisaaniyadda Galmudug dib u eegis ku sameeyay ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka ka codsaday meelmarinta miisaaniydda, waxaana codsiga guddiga kadib xildhibaanadu si caqlibiyad ah u meel mariyeen miisaaniyada Galmudug ee 202.
Ansixinta Miisaaniyada ka dib ayaa waxaa Shirka soo xiray Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa sheegay in miisaaniyadda ay cod aqlabiyad leh ku codeeyeen Xildhibaannada, waxaana Haa ku codeysay 47 Xildhibaan, ma jirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay.
Si kastaba, kulamada soo socda ee ay yeelanayaan Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ayaa qorshuhu yahay inay meel mariyaan hindise sharciyeedyo cusub.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





