Wednesday, April 22, 2026
29.9 C
Mogadishu

Wasiirka Cadaaladda ee DFS iyo Wafdi ka socda Turkiga oo arrimo muhiim ah kawada hadlay +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Cadaaladda XF Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Turkiga oo uu hogaaminayey Dr Cevdet ERDOL.

Mas’uuliyiinta ka socotay Wasaaradda Caafimaadka ee Turkiga iyo Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ayaa isla soo qaaday samaynta sharciga jihaynta Caafimaadka dalka

Wafdiga ka socday dalka aan walaalahanay ee Turkiga ayaa balanqaaday in kaalin weyn ay ka qaadanayaan hourmarka iyo tayada Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga oo mar waliba jecel inay horumar sameeyaan hay’adaha kala duwan ee caafimaadka dalka.

Wuxuunta ugu dambeyn sheegay wasiirka in Wasaaradda cadaaldda ay awoodeeda isugu gayn doonto qaabkii loo samayn lahaa sharci qeexaya tayada iyo badqabka Caafimaadka Soomaaliya, iyadoo lala kaashanayo Wasaaradda Caafimaadka Dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...