Friday, May 8, 2026
31.9 C
Mogadishu

Amiirkii Daacish, Abu al-Hassan al-Hashimi al-Qurayshi oo la dilay

Syria (Halqaran.com) – Ururka Daacish ayaa xaqiijiyay in la dilay Hoggaamiyahoodii Abu al-Hassan al-Hashimi al-Qurayshi.

Afhayeenka Daacish, Abu Umar al-Muhajir ayaa cod uu soo duubay ku shaaciyay geerida al-Qurayshi, isaga oo xusay in uu dhintay, isagoo la dagaalamaya waxa uu ugu yeeray cadowga Alle.

“Wuxuu ku dhintay, isagoo la dagaalamaya cadowga Alle.” Ayuu yiri Afhayeenka, isaga oo faah faahsan intaasi ka badan ka bixin dilkiisa.

Afhayenka ayaa dhanka kale sheegay in Abu al-Hussein al-Husseini al-Qurayshi uu noqonayo Hoggaamiyaha cusub ee Daacish.

“Waa mid ka mid ah dagaalyahanada ruug-caddaa ah, waana mid ka mid ah wiilasha u daacadda ah Dowladda Khilaafada Islaamka.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Sidoo kale ma sheegin magaciisa dhabta ah, waxa ay dhalashadiisu tahay amaba halka uu ka soo jeedo.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Abu al-Hassan lagu dilay bartamihii bishii October Gobolka Koonfurta Suuriya ee Darca (Daraa), isla-markaana ay dileen Jabhadda FSA (Free Syrian Army), oo la hawlgasha Ciidamada Mareykanka ee gobolka ku sugan.

Mareykanka ayaa iska fogeeyay in ciidamadiisu ku lug lahaayeen hawlgalka lagu dilay hoggaamiyahaasi geeriyooday.

Inkastoo la wiiqay awoodda Daacishta ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq, haddana weli waxay ka taliyaan dhulka miyiga ee dalalkaasi.

Xigasho: Reuters iyo AP.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...