Hiiraan (Halqaran.com) – Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan, Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Saraakiil ciidan ku soo dhaweeyay deegaanka Tardo, oo ku dhow xadka labadaasi gobol.
War ka soo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay in la isku furay labada gobol, kadib markii guulo laga gaaray dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.
Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada gudoomiye ay kulan ku yeesheen Tardo, isla-markaana ay ka wada hadleen, sidii loo xaqiijin lahaa nabadgelyada labada gobol iyo sidii kooxaha argagixisada looga saari lahaa deegaanada ay baaqiga kaga yihiin goboladaasi.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga dib-u-xoreynta ayaa Sabtidii la wareegay deegaanka Ceeldheere Buraale oo xadka dhaca, iyadoo ayna Shabaabku ka wadeen abaabul ay ku doonayeen inay dib ugu weeraraan deegaanadii dagaalada looga soo saaray.
Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala), Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya ayaa xilligaasi sheegay in la fashiliyay weeraradii ay Shabaabku ka abaabuleen xadka goboladaasi.
“Hawlgalkaas waxa uu ku soo dhammaaday in Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka ay si buuxda ula wareegaan deegaanka Ceeldheere, oo ahaa runtii marin aad iyo aad istiraatiiji ugu ahaa Khawaarijta ay ka abaabulayeen weeraro, ayna doonayeen inay halkaa ku dhuumaaleystaan.” Ayuu yiri Alcadaala.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com