Al-Shabaab shaacisay Magaca iyo Qabiilka sarkaalkii hoggaaminayay weerarkii Jimcihii ee Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com) –  Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday qabiilka iyo magaca shaqsigii ama sarkaalkii hoggaaminayay weerarkii ay ku dhinteen 26 ruux ee lagu qaaday Hotelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo.

Sarkaalkan ayay Shabaab ku sheegeen, magaciisa, Xasan Sheekh Nuur Kalaashi oo ku magac dheer (Zubeyr), wuxuuna beel ahaan ka soo jeedaa Beesha Eelaay.

Ninkaan ayaa ahaa sarkaalkii hoggaaminyay weerarkii qaraxyada ku billowday ee lagu qaaday Jimcihii la soo dhaafay hotelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo.

Idaacadda ku hadasha Afka Shabaabka ee Andalus, oo wareysi ka qaaday intuu uu socday howlgalkii ay Shabaabku ku galeen gudaha hotelka Cas-caseey, ayuu sheegay in ay laayeen dad badan xilligaasi joogay Hotelka.

Wuxuu kaloo wareysiga ku sheegay, in uu ka mid ahaa nin ajnabi ah dadkii ay halkaasi ku dileen gudaha hotelka.

Sarkaalkii hoggaaminayay weerarkii Kismaayo, ayaa la sheegay in maleeshiyaadka Al Shabaab ka mid noqday sanadkii 2009-kii, wuxuuna ka soo shaqeeyay Maktabka Al-Shabaab ay u yaqaaniin Fursaanta ee gobollada ay ka howgalaan maamulka Al-Shabaab.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com