Wednesday, March 25, 2026
30.9 C
Mogadishu

Al-Shabaab shaacisay Magaca iyo Qabiilka sarkaalkii hoggaaminayay weerarkii Jimcihii ee Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com) –  Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday qabiilka iyo magaca shaqsigii ama sarkaalkii hoggaaminayay weerarkii ay ku dhinteen 26 ruux ee lagu qaaday Hotelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo.

Sarkaalkan ayay Shabaab ku sheegeen, magaciisa, Xasan Sheekh Nuur Kalaashi oo ku magac dheer (Zubeyr), wuxuuna beel ahaan ka soo jeedaa Beesha Eelaay.

Ninkaan ayaa ahaa sarkaalkii hoggaaminyay weerarkii qaraxyada ku billowday ee lagu qaaday Jimcihii la soo dhaafay hotelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo.

Idaacadda ku hadasha Afka Shabaabka ee Andalus, oo wareysi ka qaaday intuu uu socday howlgalkii ay Shabaabku ku galeen gudaha hotelka Cas-caseey, ayuu sheegay in ay laayeen dad badan xilligaasi joogay Hotelka.

Wuxuu kaloo wareysiga ku sheegay, in uu ka mid ahaa nin ajnabi ah dadkii ay halkaasi ku dileen gudaha hotelka.

Sarkaalkii hoggaaminayay weerarkii Kismaayo, ayaa la sheegay in maleeshiyaadka Al Shabaab ka mid noqday sanadkii 2009-kii, wuxuuna ka soo shaqeeyay Maktabka Al-Shabaab ay u yaqaaniin Fursaanta ee gobollada ay ka howgalaan maamulka Al-Shabaab.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...