Muqdisho (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa xayiraado ku soo rogay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo diiday in magacooda la sheego sababo dhinaca amniga ah ayaa u sheegay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay joojiyeen dhaqdhaqaaqaas.
Shirkadda Hormuud oo ah tan ugu weyn shirkadaha isgaarsiinta ayaan ka hadlin arrintan.
Afhayeenka ciidanka milateriga ee Soomaaliya Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dhowaan sheegay in Al-Shabaab ay magaalooyinka ka jaraan isgaarsiinta iyo biyaha marka ay kasoo baxayaan, hase yeeshee waxa uu sheegay in adeegyadaas markiiba dib loogu soo celiyo deegaannadaas.
Mid ka mid ah khubarada Soomaaliya darista ayaa isna sheegay in Al-Shabaab ay diidayaan in isgaarsiintu ay gaarto deegaannadii ay ka qabsadeen dawladda Soomaaliya iyo dadka deegaankaas, taasina ay sabab u tahay inay xayiraan shaqaalaha iyo baabuurta shirkaddu inay u safraan deegaannadaas.
Si kastaba, ururka Al-Shabaab ayaa dhowrkii bilood ee tegay waxaa gacantooda ka baxay deegaanno badan, ayada oo kooxda laga saaray gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, dowladduna ay qorsheyneyso inay dagaalka kusii fidiso gobollo kale.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com