Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

Maxaan ka ognahay qodobbada muhiimka ah ee looga hadlayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka?

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka 4-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah oo Isniinta maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.

War ka soo baxay Aqalka Villa Somalia ayaa lagu yiri “Shirkan ayaa Madaxdu waxay ku odorasayaan Federaaleynta Garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal & heer Dowlad Goboleed, arrinkan oo qayb ka ah dhammeystirka fulinta qodobada warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3aad ee ku soo geba-gaboobay Muqdisho 12-kii September.

Sidoo kale, Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed waxay iska xog wareysan doonaan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab oo Ciidamada Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreyeen deegaano badan oo ay horey ugu dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan waxaa ka qaybgalay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale.”

Si kastaba, warka laguma sheegin inta maalmood ee shirku ka socon doono Magaalada Muqdisho iyo haddii looga hadlayo xiisadda ka taagan Magaalada Baydhabo iyo haddii kalaba.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...