Gedo (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa goob fagaaro oo ku yaalla deegaanka Ceel-Cadde oo ka tirsan Gobolka Gedo waxa ay ku toogteen Afar ruux oo ay u jeediyeen eededyn kala duwan iyo inay u basaasayeen dowladda Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka.
Afarta Ruux ayaa waxaa ay kala ahaayeen;
1- Diini Cabduqaadir Maxamed oo ay ku eedeeyeen inuu u Shaqaynayay Sirdoonka dowladda Maraykanka.
2- Ciise Cismaan Geelle oo ay ku eedeeyeen in uu u Shaqaynayay Sirdoonka Dowladda Itoobiya oo Ciidamo farabadan oo ka tirsan AMIOSM ay ka joogaan Gudaha dalka Soomaaliya.
3- Cabdi Casiis Xassan Cabdi oo ay sheegeen in uu u Shaqeeynayay Sirdonka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay dagaal kula jiraan.
4- Aadan Xassan oo ay ku eedeeyeen in uu u Shaqaynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaana dhammaan Afarta Ruux ay ku toogteen Fagaaro ku yaalla degaanka Ceel-Cadde, waxaana Goobta ku sugnaa qaar kamid ah dadka deegaanka oo ay isugu yeereen.
Ururka Al-Shabaab ayaa horay waxaa meelo kamid ah Soomaaliya ku toogteen dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeynayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha taageera, kuwaas oo ay ka qabteen deegaannada ay maamulaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





