Gaalkacyo (Halqaran.com) – Duqa Degmada Gaalkacyo Maxamuud Cabdinuur Aadan oo ay Wehliyaan dhigiisa Galmudug, Maamulada Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa waxa ay maanta kulan laqaateen qaybo kamid ah Ganastada labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo.
Kulankaan ayaa waxa uu jeedkiisa ahaa iskaashiga xoojinta xiriirka Nabadda Gaalkacyo, Wada shaqeynta Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo Ganastada, kor u qaadida Bilicda iyo baneenta suuqa bartamaha magaalada.
Sidoo kale, waxaa kulanka goob joog ahaa saraakiil ka socotay Ciidanka Xasalinta magaalada Gaalkacyo, Agaasimaha Madaxtooyada Gaalkacyo, Isuduwaha Wasaaradda Ganacsiga Puntland ee Gobalka Mudug, agaasimaha Canshuuraha Bariga Gobalka Mudug.
Qodobbada laga soo saartay kulanka ayaa waxaa ka mid ah:
1- In la dhiso guddi ka kooban labada Maamul degmo iyo Ganastada suuqa dhaxe oo ka shaqeyn doono dib u habeenta suuqa bartamaha magaalada Gaalkacyo.
2- In laga fogaado wax walba oo wax u dhimi kara Nabada Gaalkacyo.
3- In la sii Xoojo kulamada Nababada iyo isdhex galka bulshada Gaalkacyo.
4- In si wada jir ah looga wada shaqeeyo bilicda iyo nadaafada magaalada Gaalkacyo.
5- Iyo in loo sameeyo meelo ku Ganacsadaan ganacsatada danyarta ah ee ku ganacsada bartamaha suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





