Sunday, January 18, 2026
24.8 C
Mogadishu

AKHRISO: Midowga Musharraxiinta oo soo bandhigay Shuruudo adag (Maxaa cusub)!

Muqdisho (Halqaran.com) – Kulan u dhaxeeyay Xubnaha Midowga Musharraxiinta iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ku qabsoomay Aalada Zoomka, waxaana uu ahaa mid looga hadlayay xaalada siyaasadeed ee dalka.

Kulanka ayaa sigaar ah waxaa looga hadlayay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, khilaafka kajira Arrimaha doorashooyinka iyo sidii looga gudbi lahaa maadaama aan weli heshiis laga gaarin doorashooyinka.

Xubnaha Midowga Musharraxiinta ayaa warqad u qoray Wakiilada Beesha Caalamka, iyaga oo ku soo bandhigay shuruudo dhowr ah oo qaarkood ay aad u adag yihiin.

Qoraalkan oo ka kooban laba bog ayaa waxaa kamid ah shurudaha ay soo bandhigeen in baritaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday hoteelka Maa’ida oo ay deganaayeen labada Madaxweynayaal hore ee Sheekh sharif iyo Xasan Sheekh, rasaastii Ciidamada dowladda ku fureen qaar kamid ah Musharixiinta xilli ay ku banaanbaxayeen wadada gasha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada muqdisho.

Sidoo kale qoraalka Midowga Musharraxiinta waxa ay ku dalbadeen in Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu talada dalka ku wareejiyo Gole Qaran oo Kumeel Gaara ah iyo in heshiis deg deg ah laga gaaro, arrinta Somaliland iyo Arrinta Gobolka Gedo.

Sidoo kale, qodobada ay Midowga Musharraxiinta dalbadeen ayaa waxaa kamid ah in ay si toos ah uga qeyb qaatan wada-hadallada doorashooyinka, qabashada shirarka ololaha iyo adeegsiga Warbaahinta iyo qodobo kale.

Midowga Musharraxiinta ayaa waxaa sidoo kale ay dalbadeen in jadwalka doorashooyinka lagu soo saaro muddo 60 Cisho Gudahood ah, sidoo kalena ay is casilaan taliyeyaasha Ciidamada, millateriga, Nabadsugida iyo Booliska oo ay ku eedeeyeen inay ku lug lahaayeen weeraradii ka dhanka ahaa Musharraxiinta.

Waxa kaloo dalbaday in heshiisyada doorashooyinka ee la gaarayo loo helo damaanad qaad Caalami ah iyo in dorashada Madaxweynaha lagu qabto goobtii ay ka dhacday 8-dii Febraayo 2017.

Si kastaba, shuruudaha ay soo bandigeen Xubnaha Midowga Musharraxiinta qaarkood ayaa waxaa horay u soo gudbiyay Maamulka Puntland, waxaana kujira qaar adag oo laga yaabo inay u adkaato fulinteeda Madaxtooyada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...