Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxwenaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa soo dhammeytiray golihiisa wasiirrada ee ka harsanaa maamulkiisa.
Qoorqoor ayaa magacaabay 11 wasiiru dowlayaal iyo 25 wasiir ku xigeenno, kuwaasi oo u badan dhallinyaro.
Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa lagu magacaabay xubnahaasi oo isugu jira wasiiro iyo ku xigeenno.
Golaha wasiirrada ee maamulka Galmudug oo hadda leh gole wasiirro oo ka kooban 60 xubnood ayaa la filayaa in la dhaariyo, marka ay codka kalsoonida ah ka helaan baarlamaanka Galmudug.
Halka hoose ka akhriso Magacyada Wasiirrada iyo Ku-xigeennadooda:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com







