Kismaayo (Halqaran.com) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Jimcihii maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay 25-ka bishaan qaba karaan doorashada Senatarada Aqalka Sare ku matalaya maamulka Jubbaland.
War qoraal ah oo soo baxay guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa lagu caddeeyay inay diyaar u yihiin qabashada doorashada Aqalka Sare.
Sidoo kale, guddiga ayaa Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ka codsaday inay magacabaan guddi kala shaqeeyo sidii loo qaban lahaa doorashada.
Haddaba halka hoose ka akhriso qoraalka Jubbaland:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com