Friday, April 10, 2026
29.6 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay rabshadaha xariga goystay ee ka socda dalka Koonfur Afrika

South Africa (Halqaran.com) – Dowladda Koonfur Afrika ayaa Arbacadii dalbatay 25,000 oo askari oo lagu xakameeyo rabshadaha ka socda dalkaas oo galay maalintii toddobaad, xilli ay jiraan cabsiyo la xiriira cunno iyo biyo yari.

72 qof ayaa la dilay in ka badan 1,200 oo kalena waa la xiray, tan iyo markii ay rabshadaha billowdeen kadib markii madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma ay billaabatay 15 bilood oo xabsi ah, taasi oo dhalisay dibadbaxyo isku rogay rabshado.

Bililiqo xooggan ayaa saameeyey badeecadihii iyo qadadkii gaadiidka ee gobolka koonfurta bari ee KwaZulu, taasi oo kadibna saameysay dalka oo dhan.

Dowladda ayaa sheegtay in 208 dhacdo oo bililiqo iyo burburin la diiwaan-geliyey Arbacadii, ayada oo ciidamada ay daad-gureysay dowladda ay gaareen 5,000.

Hase yeeshee wasiirka gaashaandhigga Nosiviwe Mapisa-Nqakula ayaa goor dambe baarlamanka u sheegtay “inay gudbisay codsi ay ku dooneyso 25,000 oo askari oo kale.” Daad-gureynta ciidamada ayaa waxaa ansixiyey madaxweynaha.

Wasiirka ma aysan sheegin haddii ciidamadan lagu daadin doono waddooyinka.

Ugu dambeyn, Dowladda Koonfur Afrika ayaa waxaa saaran cadaadis xooggan oo lagu dalbanayo inay kordhiso ciidamada waddooyinka si loo qaboojiyo rabshadaha oo dhulka lasii galaya dhaqaalaha dalkaas oo markii horeba xumaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...