Saturday, April 18, 2026
28.7 C
Mogadishu

Afhayeenka Booliska Somaliya oo sheegay inay ku raadjoogaan burcad weerar ka geystay…

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay weerar lagu qaaday xarunta Maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, weerarkaas waxaa lagu dilay Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in rag Burcad Ciidan u yaal ah oo hubeysan ay weerar ku qaadeen xarunta degmada, isla markaana ay dileen Ex-Dable Boolis Ciise Xasan Cismaan, Dable Boolis Caamir Cabdullaahi Xiireey iyo qof shacab ahaa.

Afhayeenka oo Shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Saldhiga Booliska degmada Kaaraan ayaa waxaa uu sheegay in ay ku raadjoogaan raga Burcadda ah ee weerarka ku qaaday xarunta degmada, islamarkaana ay Cadaaladda horkeeni doonaan.

Marka laga soo tago warkaan kasoo yeeray Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa Warar soo baxayay waxaa ay sheegayeen in weerarka ka dhacay Kaaraan ay ku lug lahaayeen qul qulatooyin maalmahaan ka jirtay degmadaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...