Saturday, April 18, 2026
28.2 C
Mogadishu

Xasan Sheekh oo war adag ka soo saaray tallaabadii uu qaaday Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay hadlay tallaabo uu Khamiistii maanta qaaday Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shir Jaraa’id oo uu Warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayuu sheegay in shalay ay aheyd in Baarlamaanka labada Aqal ay wadajir u kulmaan si ay uga hadlayaan arrinta Dastuurka oo uu 12-kii Bishaan ka hadlay, hayeeshee kulankaas uu hor-istaagay Madaxweyne Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in tallaabada xigta ee uu qaaday Madaxweyne Farmaajo ay tahay in uu xalay digreeto an sharci aheyn uu ku dib dhigay waxka beddelka dastuurka oo la rabay in Baarlamanka 10aad ee labada aqal inay u wakiishaan Baarlamaanka 11aad ee la dooran doono.

Wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu yahay Nin Digtaatoori ah, hayeeshee uu ku darsaday dabaq kale.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in dastuurka uu jebinaayo uu dab ku qabanayo kursiga uu ku fadhiyo oo ah Madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ku soo beegmaya, xilli Madaxweyne Farmaajo wareegto Madaxweyne uu soo saaray uu ku dib dhigay Ansixinta waxka beddelka dastuurka qabyada ah ee dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...