Cape Town (Halqaran.com) – Ilaa iyo 4 ruux oo muwaadiniin Soomaali ah ayaa kooxo burcad hubeysan ah si yaabo kala duwan ugu dileen tuulooyin hoos yimaado magaalada CapeTown ee dalka Koofur Afrika.
Seddax ka mid ah marxuumiinta ayaa lagu dilay tuulada Khaliija oo hoos tagto Magaalada Cape Town, halka labo kale lagu dilay tuulada Kraafotien oo ayana hoos tagto isla magaalada Cape Town.
Sidoo kale waxaa jiro dhaawac soo gaaray labo muwaadin oo kale oo Soomaali ah.
Cabdiqani Abuukar Cumar oo la dhashay mid ka mid ah Dhallinyarada la dilay ayaa warbaahinta u sheegay in koox burcad ah ay rasaas ku fureen dukaankooda xilli ay ku jireen shaqadooda caadiga ah, isla markaana walaalkiis uu ku dhintay, isagana uu ka badbaaday.
Wuxuu intaasi ku daray muwaadinkaan in kooxaha burcada ah ay weerar qorsheysan ku soo qaadeen goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin isugu jira Soomaali iyo ajaanib.
Si kastaba, kooxda falka geystay ayaa la sheegay in ay ka careysanaayeen mid ka mid ah oo ay dileen koox kale oo burcad ah oo ay isku heysteen lacago baad ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





