Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed,Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagreen) ayaa Axaddii maanta ka qeyb galay tababar loo soo xirey cutubkii 4aad ee ciidamada Koonfur Galbeed, iyadoona tababarka bixinayeen saraakiisha AMISOM qaar ahaan qeybta Secter Three.
Laftagareen oo horey balanqaadkiisa u aheyd inuu amniga xoogga saarayo ayaa ka dhabeeyey, waxaana intii munaasabada socotey ciidamada ay soo bandhigeen tababarkii kala duwanaa ay qaateen muddadii tababarkooda u socdey .
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa marka hore waxaa uu ugu hambalyeey ciidamada tababarka loo soo xirey nasiibka ay u yesheen iney ka mid noqdaan ciidamada amniga koonfur Galbeed u xilsaaran.
Sidoo kale, wuxuu wuxuu u mahadceliyey saraakiisha AMISOM ee tababarkaasi bixinayay.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Cabdicasiis Laftagareen ayaa dhanka kale ciidamada waxaa uu kula dardaaramay inay mas‘uuliyad iska saaraan shacabka Koonfur Galbeed .
Ugu dambeyn, Maamulka Koonfur Galbeed ayaa guulo ka sameyneysa tababarada ciidanka iyo wax ka qabashada dhanka amniga ah, iyadoo madaxweynaha uu ballan qaadey in illaa guutada 10-naad laga gaarayo tababarrada ay sii socon doonaan .

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





