Friday, May 1, 2026
28.4 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo kala qeyb galay hogaamiyaasha geeska Africa furitaanka Beerta midnimada+(Sawirro)

Addis Ababa (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey furitaanka Beerta Midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey dalka Itoobiya ayaa sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ay hodan ku tahay Soomaaliya, waxa uuna xusay in cimilada dalkeenna iyo bilicdiisuba ay horseedayso in ay ku soo hirtaan dalxiiseyaasha heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah.

“Dhinacayaga, waxaa naga go’an dhiirri-gelinta dalxiiska iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalkeenna, taas oo ay fududeynayso duullimaadyada tooska ah ee maalinlaha ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay kula tartamaan dalalka Gobolka horumarka iyo wax wada-qabsiga, isagoona adkeeyey in ilaalinta daris wanaagga ay fure u tahay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyneyaasha dalalka Uganda Mudane Yoweri Museveni, Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, Koonfurta Suudaan Mudane Salva Kiir Mayardit, Raiisul Wasaaraha dalka Suudaan Mudane Cabdalla Xamduuk iyo wufuud kale oo ka socotay dalalka Gobolka.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...