Friday, May 1, 2026
28.3 C
Mogadishu

UPDATE: Maxaa natiijo ah oo ka soo baxay maxkamadeyntii maanta ee Wasiirka Amniga Jubbaland Janan?

Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa la horgeeyay Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo dowladda Soomaaliya 21-kii Bishaan August ay ka soo xirtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Caddae Xilli uu la socday Diyaarad.

Kiiska Cabdirashiid Janan ayaa wuxuu la xiriiraa eedeymo ku saabsan tacadiyo kala duwan uu ka gaystay Gobolka Gedo, waxaana maxkamadda lala geeyay Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Buule Aadan Maxamed.

Fadhiga Maxkamadda ayaa maanta wuxuu ahaa dhageysiga eeda loo haysto Cabdirashiid Janan, waxaana Booliska ay sheegen inay soo dhammeystiri doonaan Dambiyada lagu haysto Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Sarkaalka maanta maxkamadda lala geeyay Cabdirashiid Janan ayaa waxaa lagu magacaabaa Buule Aadan Maxamed oo ahaay Taliyihii Ciidamada dowladda ee Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland, ayaa waxaa ka dhaxeeya Khilaaf ku aadan dhanka Siyaasadda, islamarkaana dowladda waxa ay xayiraad saartay Magaalada Kismaayo.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...