Thursday, June 25, 2026
25.4 C
Mogadishu

Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay Madaxda Wasaaradda Isgaarsiinta

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JF Soomaaliya, ayaa Axaddii maanta kulan la yeeshay madaxda Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya.

Madaxda Wasaaradda, ayaa waxaa hoggaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Mudane Jaamac Xasan Khaliif, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Xuseen Axmed Culusow, iyo Wasiiru Dowlaha Mudane Axmed Cismaan Diiriye iyo masuuliyiin kale.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji (Jeego) ayaa isbarasho madaxda Wasaaradda iyo guddiga, xoojinta wada shaqeynta iyo iska warqabka guddiga iyo Wasaaradda

Wasiir Jaamac Xasan Khaliif, ayaa guddiga usoo bandhigay qorshe howleedka Wasaaradda, Sharciyada iyo xeerarka ay hortebinta u leh, isagoo guddiga ugu mahad celiyay wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa.Xubnaha guddiga ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo la xiriira Shaqada Wasaaradda iyo howlaha mudnaanta u leh Guddiga.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa jawaabo ka siiyey arrimihii wax laga weydiyey ee ku saabsanaa shaqada Wasaaradda iyo heshiisyadii ay lasoo galeen wadamada uu la kulmay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...