Saturday, May 23, 2026
28.9 C
Mogadishu

Khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Maxaas iyo Dhaawacyo la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho

Maxaas (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahino dheeraad ah ka soo baxaya laba qarax oo Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray Askar iyo dad Shacab ah.

Qaraxa koowaad ayaa lagu weeraray afaafka hore ee Ģuriga Guddoomiyaha degmada Maxaas, waxaana qaraxaas dhimasho iyo dhaaeac ku noqday Askar kamid aheyd ilaalada Guriga iyo dad Shacab ah.

Waxaana qaraxii labaad lagu weeraray Guri uu deganaa Xildhibaan Jacfar oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka, balse la sheegay in uu Muqdisho ku sugan yahay.

Wararla ay heleyso HalQaran News ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen 10 Ruux oo hal qoys la koobnaa iyo qaar kamid ah Askartii ku sugneyd Guriga lagu weeraray qaraxa.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay in Gawaarida qaraxyada siday ay ka yimaadeen dhinaca deegaanka Wabxo, waxaana xusid mudan in Ciidamada qaraxyada lagu weeraray ay ahaayeen kuwii horay u qabsaday deegaanka Wabxo, balse dib uga soo baxay.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyey 28 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii ay Al-Shabaab ku qarxisay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka iyo Taliska ciidan xoogga dalka ayaa iska kaashaday soo qaadista dhaawacyada, iyagoo fulinaya awaamiirta madaxda DF Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Xildhibaanno, masuuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir iyo madaxda hey’adda Maareyta Masiibooyinka Qaranka ayaa dhaawacyadaan kaga hortagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...