Saturday, March 14, 2026
26.6 C
Mogadishu

Shariif Sh. Axmed oo ka hadlay qaraxyadii ka dhacay Maxaas, Hiiraan

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war ka soo saaaray Qaraxyo Ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Madaxweynihii hore oo soo saaray Qoraal ayaa ka tacsiyeeyay weerarkaasi, waxaana uu Caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadkii dhaawacyadu ay kasoo gaareen weerarkaaasi.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehelka dadkii ku naf waayay weerarka Al-Shabaab ku qaaday dagmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.Ilaahay SWT ha u naxariisto, dadka  dhaawacyada soo gaareen waxaan u rajaynaynaa caafimaad deg deg ah, dadka hantidooda ku waayay beddel kheyr qaba Allah ha siiyo” ayuu ku yiri Sharif Sheekh Axmed Qoraal uu soo saaray.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...