Thursday, May 28, 2026
26.9 C
Mogadishu

Odayaashii Beesha reer Xaaji Saleemaan ee la heshiiyay Al-Shabaab oo Muqdisho lagu maxkamadeynayo

Muqdisho (Halqaran.com) – Diyaarad siday saddexdii oday dhaqameed ee ka soo jeeday beesha reer Xaaji Saleemaan ayaa Talaadadii maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho, kuwaa oo dhawaan degmada Xarardheere ee G/Mudug heshiis kula soo galay Ururka Al-Shabaab.

Odayaashaan oo lagu kala magacaabo Sugaal Warsame Cali, Caliyare Axmed Xeyle iyo Cumar Maxamed Jimcaale ayaa maalmihii la soo dhaafay ku xirnaa Magaalada Dhuusamareeb, kadib markii laga soo xiray magaalada Cadaado.

Maalmo ka hor ayaa Saddexda Oday ay ka soo muuqdeen Warbaahinta, iyaga oo kula hadlay magaalada Cadaado, waxaana ay sheegeen in sababta ay heshiiska ula galeen Ururka Al-Shabaab ay aheyd, inay ka soo badbaadinayeen ku dhawaad 70 Ruux oo ay Al-Shabaab si xoog ah uga heysteen Beesha.

Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug iyo taliska qeybta 21aad ayaa dhawaan si wadajir ah u sheegay in tallaabo sharci ah laga qaaayo cid kasta oo la macaamisha Ururka Al-Shabaab, taas oo keentay in Odayaashan la soo xiro, Muqdishana loo soo gudbiyo.

Talaadadii Maanta ayaa magaalada Muqdisho la keenay Saddexda Oday si loogu maxkamadeeyo, kadib markii Hay’adaha Amniga Maamulka Galmudug ay ku soo wareejiyeen DF Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...