Saturday, May 16, 2026
31.9 C
Mogadishu

UPDATE: Ciidamada dalka Turkiga oo soo qab-qabtay tahriibayaal badan oo ay ku jiraan Soomaali, halkeese la geeyay?

Turkey (Halqaran.com) – Ciidamada Illaalada Xeebaha dalka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay tahriibayaal fara badan oo ay Soomaali ku jirto.

Dadka la qab qabtay waxaa ay tiradoodu gaareysaa 236 qof, kuwaas oo u kala dhashay dalalka kala ah.

Syria, Soomaaliya, Morroco, Bangladesh, Iraq, Afghanistan iyo Congo waxaa ay doonayeen in ay gaaraan Jaziiradda Gariigga ee Chios sida ay uga sii gudbaan Yurub.

Wararka ayaa sheegaya, in hawlgalkan uu ka dhacay Xeebaha Gobolka Galbeed ee Izmir, ee dalka Turkiga, waxaana muhaajiriintaas lagu hayaa xabsiyo ay leeyihiin Ciidamada Turkiga.

Warbixin ay soo saartay dowladda Turkiga ayaa waxaa ay ku sheegtay in sanadkan 2019 oo kaliya ay isku dayeen 28,546  qof in ay galaan Qaaradda Yurub iyaga oo maraya xeebaha dalka Turkiga.

Ugu dambeyn, dowladda Turkiga ayaa sanadkii 2016-kii Midowga Yurub kula heshiiyay xakameynta Muhaajiriinta, iyaguna ay bixiyaan qarashka lagu heynayo, hayeeshee Erdogan ayaa dhawaan ka digay in uu fasaxayo 3.6 Milyan oo qaxooti Syrian ah si ay u galaan Yurub.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...