Saturday, May 30, 2026
27.4 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Sidee RW Kheyre loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo? +(Ogow Ujeedka Safarkiisa)?

Baydhabo (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo si wayn loogu diyaar garoobay soo dhaweyntiisa.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu hoggaaminayo ayaa ka soo kicitimay Gobolka Galgaduud oo muddooyinkii dambe uu ku sugnaa, waxaana Sabtidii maanta gaaray Baydhabo.

Boqolaal shacab ah iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay, iyadoo dadkaasi ay wateen Sawirka Ra’iisul Wasaaraha.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



RW Khayre ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ku sugnaan doono Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wuxuuna Garoonka Dr. Ayuub ee Magaalada Baydhabo kula hadli doono shacabka magaaladaasi ku nool oo Khudbad uu u jeedin doono.

Waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada Baydhabo, sababo ku aadan tagitaanka magaaladaasi ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...