Sunday, December 14, 2025
25.5 C
Mogadishu

DEG DEG: Madaxii Xabsiyada ee Ururka Al-Shabaab oo isku soo dhiibay DF Soomaaliya + (Magaciisa)

Muqdisho (Halqaran.com) – Sarkaal sare oo ka tirsan maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cumar Heegan ayaa dhawaan isku soo dhiibay Dowladda Federalka Soomaaliya, inkastoo wali aanan la soo bandhigin.

Sarkaalkaan ayaa waxaa gacanta ku haya Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya, kadib markii xiriir uu la soo sameeyay xubno Hay’adaasi ka tirsan ay u fududeeyeen inuu soo galo dowladda Federalka Soomaaliya.

Cumar Heegan ayaa wuxuu ahaay madaxa Xabsiyada Al-Shabaab, waxaana uu masuul ka ahaay xabsiyo kala duwan oo ku yaallo Gobolada ay Maamulaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sarkaalkaan ayaa ka soo jeeda deeganada Koonfur Galbeed, waxaana hadda uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarumaha Hay’adda Nabad Suggida Somaliya.

Muddooyinkii dambe Al-Shabaab waxaa ka soo goosanaayay Saraakiil Sare oo waqti badan ka mid ahaay xubnahaasi, islamarkaana fahmay dariiqa ay ku socdaan inuu yahay mid aad u qaldan.

Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ayaanan wali ka hadlin Sarkaalkaan ka soo goostay, balse waxa ay yaqaaniin dhaqanka ah inay beegsadaan Saraakiisha Sare ee dhankooda ka soo goosata ee Nabad Suggida Soomaaliya ku soo biirta.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...