Sunday, May 24, 2026
28.9 C
Mogadishu

Dekedda Garacad oo maanta si rasmi ah xariga looga jaray +SAWIRRO

Garacad (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa Sabtidii maanta gaaray deegaanka Garacd ee Gobolka Mudug dhanka dowlad Goboleedka Puntland.

Mudane Xasan ayaa waxaa Garoonka deegaanka Garacd ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ku-xigeenkiisa, Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Xildhibaano, Wasiirro iyo xubno kale.

Madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinay Madaxweyne Saciid Deni ayaa goor dhow si wadajir ah  xarigga uga  jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa Munaasabadda xarig jarka dekadda cusub ee Garacad ka jeediyey khudbad uu ku boggaadiyey horumarka deegaanka iyo isku tashiga ay sameeyeen dadka Puntland.

Waa dekaddii shanaad ee ay Soomaaliya yeelaneyso Garacad, waxaana lagu maalgaliyay in ka badan 300 milyan oo dollar, iyadoo mashruucaan uu noqdo kuwii ugu weynaa dalka laga hirgeliyo burburkii kadib.

Sidoo kale, dekedda Garacad ayaa muhiim u noqon doonto isku xirka ganacsiga Soomaaliya iyo Itoobiya, maadaama ay tahay dekedda ugu dhow ee xigta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...