Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo Digniin culus u dirtay ganacsatada, kaddib markii…

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Digniin ku socota Ganacsatada, iyagoona uga digay inay taageero lacag siiyaan dagaallamayaasha Al-Shabaab, sida uu waraahinta u sheegay Wasiirka Ganacsiga.

Wasiir Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in laga billaabo maanta ganacsidihii Al-Shabaab taageero ama siiyo lacag ay dowladda Soomaaliya la wareegi doonto hantidiisa, sidoo kalane loola dagaalami doono.

Sidoo kale, Wasiirka sheegay in ay jiraan Maraakiib la shaqeysa oo u sheega hantida ay wadaan iyo cadadka hantidaas ka hor inta aysan Soomaaliya soo gaarin, waxa uuna dalbaday in Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda uu arrintaas wax ka qabto.

“Saddex illaa Afar Shirkadood ayaa jira oo macluumaadka ganacsiga Dekadda kasoo daga siiya Al-Shabaab Wasaaradda Dekaduhu wa inay Shatiga kala laabataa, sidoo Kale Nootaayooyinka Muqdisho waxay toos ula shaqeeyaan Al-shabaab” ayuu yiri Wasiir Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...