Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo Safiika Ingiriiska oo kawada hadlay wax ka qabashada Abaaraha

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa Talaadadii maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Ingriiska u qaabilsan dalkeenna marwo Kate Foster.

Danjiraha ayaa marka hore Guddoomiyaha la wadaagtay sida dowladda Ingiriiska ay uga go’an tahay wax ka qabashada Abaaraha iyo in ay si buuxda u taageeri doonto tababarada shaqaalaha baarlamaanka.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa dhankiisa boggaadiyay dedaalada dowladda Ingriiska ay ku taageerayso baarlamaanka JFS, kaas oo wax badan ka tari doona shaqada Golaha Shacabka, waxaana uu ahmiyada kowaad siiyay sidii wax badan loogu qaban lahaa Abaarahan soo noqnoqday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...