Tuesday, April 21, 2026
28.4 C
Mogadishu

Wada-hadalladii xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada mucaaradka oo natiijo la’aan ku dhamaaday

Hargeysa (Halqaran.com) – Guddoomiyeyaasha Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa ku dhawaaqay Maanta inay bur bureen wada-hadalladii u dhaxeeyay Xukuumadda Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADANI.

Shir jaraa’id oo ay Maanta siwadajir ah magaalada Hargeysa ugu qabteen Guddoomiyeyaasha Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADANI ayaa waxaa ay ku eedeeyeen madaxweynaha Somaliland in uu mas’uul ka yahay inay bur buraan wada-hadallada Xukuumadda iyo mucaaradka.

Waxaa ay hadalkooda intaasi kudareen in wada-hadallada labada dhinac oo maalmahaan hakad kujiray ay wax ka weeydiiyeen gudoomiyeyaasha Golaha Wakiilada iyo guurtada, balse ay u sheegeen in wax natiijo ah aysan kala imaan madaxweynaha, isla markaana uu u sheegay in uu sharci ku taagan yahay.

Waxaa ay ku eedeeyeen madaxweynaha Somaliland in uusan heyn cid katirsan Somaliland oo uu ku kalsoon yahay , balse kaliya uu isku heysto in wixii uu sheego ay sharci yihiin.

Ugu dambeyn, waxaa ay sheegeen in Xukuumadda madaxweyne ee waqtigeeda uu dhamaaday ay tahay waxa ay waddo mid sharci darro ah, isla markaana ay ku doodayaan waxyaabo aan suurto-gal aheyn.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...