Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu xiray dalka Mozambique, kaddib markii…

Mozambique (Halqaran.com) – Ciidamada Booliiska dalka Mozambique ayaa  xiray 5 qof oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin shabakad isku xiran oo afduub sameeya kana ganacsata maandooriyaha magaalada xeebta ku taal ee Beira ee gobolka Sofala.

Afhayeenka booliska Daniel Macuacua, ayaa sheegay in Soomaalida haysto Sharci ama aqoonsi oo been abuur ah.

Waraaqaha Aqoonsiga ayaa isugu jiray lix baasaboor oo Kenyan ah, 13 kaar oo magangalyada dalka  Mozambique ah, toddobo waraaqo aqoonsi ah oo Mozambique iyo Kenya ah, iyo afar dukumentiyo oo Mozambique ah.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa xusay in booliisku ay baarayaan shaqaalaha rayidka ah ee kooxda u fududeeyay  soo gelitaanka iyo helitaanka dukumentiyada.

“Intii lagu jiray baaritaan dheeri ah, waxaa la ogaaday inay xiriir la leeyihiin qaar ka mid ah shaqaalaha Gudaha ah, kuwaas oo ay u badan tahay inay fududeeyeen soo saarista dukumentiyadan”, ayuu yiri Afhayeenka booliska Daniel Macuacua

Dalka Mozambique ayaa loo arkaa meel ay maraan kumanaan muhaajiriin ah oo sanad walba ka talaabaya xudduudaha dalka Koonfur Afrika, waana mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya qaaradda.

Waxay aheyd bishii Oktoobar, Adeegga socdaalka Qaranka Mozambique ayaa xiray 53 muhaajiriin ah oo si sharci darro u joogay bartamaha Gobolka Tete ee dalka Mozambique.

Xafiiska Wararka HalQaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...