Sunday, June 21, 2026
25 C
Mogadishu

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo u Ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid.

Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu ambabaxo safar dalka dibadiisa ah tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May.

Waxaana haatan dalka kusime Madaxweyne ka ah Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar maadaama shalay uu isna uu safar dibadda ah u baxay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaadan doono madaxweynaha cusub ee dalka Imaaraadka Sheekh Maxamef bin Zayed Al Nahyan, iyaga oo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal oo xumaa sanadihii la soo dhaaafay, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...