Thursday, November 13, 2025
28.1 C
Mogadishu

Nin Mooto Bajaaj qarax ku keenay Muqdisho oo maanta la xukumay

Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda Ciidamada Xoogga dalka, ayaa Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun ku xukuntay fadhiya kala duwan kadib, 15-sano oo xabsi ciidan ah, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada.

Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun ayaa loo soo xiray  Qarax uu ku dhaawacmay March 20222-kii, kadib Bilooyin ay Nabad-Sugidda ka daawaysay dhaawac ka soo Gaaray Qaraxaasi.

29-kii May,  ayay Ciidamada Amniga ku wareejiyeen Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, xilligaasi oo ay Garsoor Ogolaadeen in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Maxamed Cusmaan Dhagaxow ayaa Al-Shabaab ay u isticmaali jireen Qaadista Agabyada Gawaarida “spare parts” iyo Qaraxyada, waxa uuna ku dhaawacmay Qarax uu ka soo Qaaday Tabeelaha Sheikh Ibraahim oo uu soo Waday magaalada Muqdisho.

Beledwayne ayuu Al-Shabaab kaga biiray, waxaana ku qalqaaliyay nin ay Qaraaba yihiin, waxa uu qaadan jiray 30-40 dollar markii uu kala daabulayo Agabyada ay isticmaali jireen iyo qaraxyada sida ay sheegtay Xeer ilaalinta Maxkamadda.

5-tii June ayaa loo ballamay Fadhigii ugu horeeyay ee Maxkamadda, waxaana lala keenay cadaymo ay kamid yihiin Dhaawiciisa sawirro laga qaaday iyo bur-burka Bajaajtiisa gaartay.

Ugu dambeyn, qareenada u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in loo Naxariisto maadaama uusan fuliya ka ahayn howlaha Al-Shabaab uu wakiilka kaga ahaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...