Tuesday, May 26, 2026
26.2 C
Mogadishu

Haweeneydii ugu horreeysay oo taariikhda ku sime madaxweyne ka noqotay Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa markii ugu horreysay taariikhda, Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee ku sime Madaxweyne ka noqota Soomaaliya, kadib markii uu Axadda maanta dalka ka dhoofay Madaxweynaha JFS Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta oo uu martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaasi.

Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, waxayna fursadaan heshay, kadib markii uu isna Sabtidii shalay uu safar dibadeed u aaday Sheekh Aadan Madoobe.

Sida uu dhigayo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, xildhibaan Sacdiya ayaa dalka ka talineysa inta uu mid kood soo laabanayo Madaxweynaja JFS Xasan Sheekh, ama Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Baarlamaanka Soomaaliya kasoo gashay maamulka Puntland, waxayna horey u noqotay haweeneydii u horreysey ee ku guuleysatay ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka.

Si kastaba, waxaa baraha bulshada aad ugu baahay hadal heynta ah, in haweeneydii ugu horreysay taariikhda ay noqotay ku-sime madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...