Thursday, April 30, 2026
28.3 C
Mogadishu

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Madax ka Socotay hey’adda IOM.

Muqdisho (Halqaran.com) –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda hey’adda I.O.M ee Soomaaliya.

Kulankaas ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha guud ee Maamulka gobolka Banaadir iyo Xaririiyaha Arrimaha Baniaadanimada ee Xafiska Xalka Waara ee G/Banaadir.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii loo dardargalin lahaa dhismaha dhul baaxad leh oo ku yaala degmada Hiliwaa kaas oo ay Dowlada Hoose ee Mogadishu bixisay dhul ay ugu talagashay in lagu deegaameeyo ama Dib-udajin loogu sameeyo dadka Barakacyaasha ah ee kunool Caasimadda.

Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir  Xiirey Axmed  oo kulanka faah faahinayay ayaa sheegay in siweyn looga hadlay dadka faraha badan ee kusoo barakacay, kuwaas oo aan awood badan laheyn & sidii dadkaasi loo taageeri lahaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...