Monday, April 20, 2026
29.2 C
Mogadishu

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo arrimo muhiim ah kala hadlay Safiirka Midowga Yurub ee Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga XF Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Tiina Intelmann.

Labadan mas‘uul ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlgalka ATMIS, Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada hagar la’aanta ay siiyaan Soomaaliya.

Waxaa kulanka sidoo kale  goob-joog ahaa taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda gaashaandiga Xasan Maxamed Siciid Gacaliye.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...