Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo arrimo muhiim ah kala hadlay Safiirka Midowga Yurub ee Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga XF Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Tiina Intelmann.

Labadan mas‘uul ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlgalka ATMIS, Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada hagar la’aanta ay siiyaan Soomaaliya.

Waxaa kulanka sidoo kale  goob-joog ahaa taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda gaashaandiga Xasan Maxamed Siciid Gacaliye.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com