Wednesday, April 22, 2026
29.9 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo codsi deg-deg ah u dirtay Ha’ayadda IMF

Muqdisho (Halqaran.com) – DF Soomaaliya ayaa si rasmiya uga codsatay hay’adda lacagta adduunka ee IMF in ay dib u dhigto barnaamijka ay dib u eegista ugu samaynayso dhaqaalaha Soomaaliya oo ku eg 17 bishan May 2022.

Codsi ka soo baxday DF Soomaaliya ayaa waxaa si wadajir ah ugu saxiixan wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Soomaaliya ayaa codsatay in mudda saddex bilood ah lagu kordhiyo barnaamijkaas ay waddo hay’adda lacagta adduunka ee IMF, islamarkaana la gaarsiiyo 17 Agoosto 2022.

Codsiga dib u dhigidda barnaamijka ayaa dowladdu sheegtay in uu la xiriiro dib u dhacyada hareeyay doorashada dalka oo saamayn ku yeeshay shaqooyin badan oo la qaban lahaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...