Tuesday, May 26, 2026
26.7 C
Mogadishu

DEG DEG: Jubaland oo Jawaab culus ka soo saartay go’aankii DFS ku xayirtay Kismaayo iyo kii golaha wasiirada, kuna hanjabtay in…

Kismaayo (Halqaran.com) – War-saxaafadeed goor-dhow caawa ka soo baxay kulan ay yeesheen xubnaha Golaha Wasiiradda Jubbaland ayaa laga soo saaray warsaxaafadeed ka hadlaya xaaladdihii u dambeeyey, gaar ahaana go`aanadii ay gaartay Xukuumadda Soomaaliya ee xayiraada lagu saaray garoonka Kismaayo.

Qoraalka waxaa lagu cadeeyey in aysan Jubbaland marnaba u hogaansami doonin amaradii duulista hawada la xariiray ee kasoo baxay dawladda Soomaaliya, sidaas oo kale waxay markale sheegtay Jubbaland in ay u madax banaan tahay arrimaheeda Dastuurku u ogol yahay.

Jubbaland ayaa ugu baaqday xildhibaanada labada golle ee baarlamaanka Soomaaliya in ay garowsadaan xaaladdaha uu ku sugan yahay dalka, gaar ahaana Xukuumaddii ay kalsoonida siiyeen oo ku tumanaya sharciga, sidaas awgeedna loo baahan yahay in ay garowsadaan masuuliyadda saaran.

Wasiiradda Jubbaland, waxay isku raaceen in ay difaacdaan maamulkooda iyo deegaanadooda, waxayna sheegeen in qiimo kasta oo ay ku kacayso difaaca Jubbaland ay wadi doonaan oo aysan cidnaba raali uga noqon doonin.

Ugu dambeyn, Shacabka Soomaaliyeed ayaa loogu baaqay in ay si weyn indhaha ugu hayaan ficilada Xukuumadda Faderaalka, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay duminayaan Nidaamka Federaalisimka ee Soomaalidu horey ugu heshiisay.

Halkan hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Jubbaland ee caawa:


Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...