Friday, June 5, 2026
27.8 C
Mogadishu

WAR CUSUB: Jubbaland oo xarig uga jawaabtay xarigii maanta loo geystay Wasiir Cabdirashiid Janan

Kismaayo (Halqaran.com) – Maamulka Jubbaland ayaa xarig uga jawaabay tallaabadii maanta lagu xiray Wasiirkii Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), kaasoo ku xiran Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa galabta xabsiga u taxaabay Gudoomiyihii Guddiga Doorashada Jubbaland, garabkii Madaxweynaha u soo doortay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Ninkan oo lagu magacaabo Bakaal Cabdullaahi Kooke ayaa waxaa galabta laga reebay diyaarad u socotay Magaalada Muqdisho, isagoo ka mid ahaa rakaabkii ku sii jeeday Caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale Bakaal oo ka mid ahaa Xildhibaanada Jubbaland garabka isugu yeeray is bedeldoonka ayaa caawa ku hoynaya saldhig ku yaala Garoonka Magaalada Kismaayo.

Madaxda Jubbaland ayaa garabka soo doortay Cabdirashiid Xidig u arka kuwo ay dhabarka ka riixeysay Dowladda Federaalka Somaliya, si ay u shaki geliyan Doorashada Madaxtinimada ee Axmed Madoobe.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa waxaa uu Dowladda Somaliya ku dhaliilay inay ixtiraami weyday xasaanadda uu leeyahay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), Wasiirka Amniga Jubbaland.

Ugu dambeyn, tallaabada ay Jubbaland ku xirtay Kooke ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli ay socdeen dadaallo lagu doonayay in lagu soo sii daayo Wasiir Janan, oo duhurnimadii Sabtida maanta lagu xiray Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...