DEG DEG: Golaha Wasiirrada Jubbaland oo kulan deg deg ah hadda ka leh xarigii galabta loo geystay Wasiir Janan

Kismaayo (Halqaran.com) – Golaha Wasiirrada Jubbaland ayaa goordhow shir deg deg ah ku leh madaxtooyada magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka jubbaland.

Golaha ayaa kulankooda uga arinsanaya xarigii galabta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho loogu geystay Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Nuur Janan.

Wasiir Cabdirashiid Janan ayaa galabta ciidamada Booliiska Soomaaliya waxay ka qabteen Garoonka diyaaradaha Muqdisho, xilli uu Transit ku ahaay, waxaana la sheegay inuu ku wajahnaay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wararka ay helayo Halqaran.com, ayaa sheegaya, in kulanka golaha wasiirrada Jubbaland oo hadda socda ayaa lagu wadaa in markii lasoo gabagabeeyo ay Jubbaland war kasoo saarto xariga Wasiirka Muqdisho loogu geystay.

Waxa aheyd dhawaan markii dowladda federaalka ay amar ku bixisay in diyaaradaha tagaya ama ka baxaya magaalada Kismaayo ay khasab tahay inay Transit ku maraan Garoonka Aadn Cadde ee Muqdisho.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com