Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

Booliska AMISOM oo la siiyay gaadiid loogu talagalay Amniga Doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – 11 Gaari oo loogu talo galay howlgalka sugida Amniga doorashooyinka socda ayaa waxaa lagu wareejiyay Maamulka qeybta Booliiska ee Hawlgalka Midowga Afrika  Soomaaliya ee (AMISOM).

Gaadiidkaan ayaa waxaa bixiyay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), waxaana ay isugu jiraan shan Gaari oo gaashaaman iyo lix baabuur oo ah nooca Toyota Land cruiserka, waxaana Booliska AMISOM ay Gaadiidkaan ka caawin doonaan sugida Amniga doorashooyinka.

Ku -xigeenka Ergeyga Gaarka ah ahna Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (DSRCC) ee Soomaaliya, Simon Mulongo, ayaa gaadiidkaasi ku wareejiyay Taliyaha Booliska AMISOM,ahna, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska (AIGP), Augustine Magnus Kailie.

Gaadiidkaan ayaa waxaa sigaar ah ugu Shaqeyn doona Ciidamada Booliska AMISOM gaar ahaan kuwa sugida Amniga kala Shaqeyn doona Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa Ciidamo Boolis gaar ah waxaa ay u diyaariyeen sugida Amniga doorashooyinka, kuwaas oo inta badan ku sugan Xarumaha ay ka dhacayaan doorashoohinka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...