Xarardheere (Halqaran.com) – Ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug ayaa Jimcihii saaka gaaray deegaanada Miliqo, Dabagalo,Cell Cabdi iyo kuwa kale kuwaasi oo hoostaga degmada Xaradheere ee gobolka Mudug.
Saraakiisha ciidanka hogaamineysa ayaa u sheegay Warbaahinta dowladda in ciidanku ku sii jeedo Xarardheere oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahanno ka tirsan maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Janaraal Biixi oo howlgalka horkacayo ayaa kormeeray xaafadaha degaannada ay Ciidamada kala wareegeen Al-Shabaab.
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa waxaa ay weli howlgallo kala Duwan ka wadaan deegaanno hoostaga degmada Xarardheere oo ay argagixisadu ku dhibaateeyaan shacabka.
Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Generaal Maxamed tahliil Biixi ayaa maalin ka hor sheegay in Ciidanka xoogga dalka ay ka go’an tahay sidii Ururka Al-Shabaab looga saari lahaa guud ahaan deegaannada iyo degmooyinka Gobolka Mudug.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





