Friday, May 1, 2026
29.9 C
Mogadishu

Jubbaland: Xildhibaankii ugu horreeyay ee Aqalka sare oo la doortay

Kismaayo (Halqaran.com) – Magaalada Kismaayo ee xarunta kmg ah ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Khamiista maanta ah ka billaabatay doorashada qaar ka mid ah xildhibaannada Jubbaland, iyadoo xildhibaankii ugu horreeyay ee Aqalka sare la doortay.

Munaasabadda doorashada oo ay ku sugan yihiin, Xildhibaannada Golaha Wakiilada Jubbaland, guddiga doorashooyinka Heer Federaal iyo xalinta khilafaadka doorashooyinka ayaa ilaa 9 Musharax waxaa ay ku tartamayaan Afar kursi oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka sare ee Baarlamaanka 11aad.

Kursigii ugu horeeyay ee Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa waxaa ku tartamay Ilyaas Badal Gaboose oo ku guuleystay kursigaas, isaga oo helay 55 Cod halka Maxamed Axmed Sayid uu helay 17 Cod  1 codna uu halaabay, halka Sharmaake Maxamed Cabdi oo kamid ahaa musharra xiinta uusan ka qeyb gelin tartanka doorashada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo natiijada doorashada ku dhawaaqay ayaa sheegay in kurigii ugu horreeyay ee Xildhibaannada aqalka sare uu ku leeyahay maamulka Jubbaland uu ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose, isla markaana ay doorashada codeeynayeen 73 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland.

Xildhibaanka Aqalka Sare ee Maanta lagu doortay magalada Kismaayo ee Ilyaas Badal Gaboose ayaa xilligii dowladii Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed waxaa uu noqday Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose.

Si kastaba, doorashada ayaa weli sii socota, waxaana jira xubno loo saadaalinayo inay kusoo baxaan doorashada Aqalka sare ee ka socota Magaalada Kismaayo, kuwaas oo u dhow Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...