Thursday, April 23, 2026
28.3 C
Mogadishu

Shir-weynaha Urur goboleedka IGAD ee siyaasadda arrimaha Dhulka & Haweenka oo ka dhacay Nairobi +(SAWIRRO)

Nairobi (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa magaalada Nairobi kaga qayb galay shir waynaha Urur goboleedka IGAD ee siyaasada arrimaha dhulka iyo haweenka.

Shirka waxaa looga wada hadlay siyaasadda dhulka ee dawladaha Afrika gaar ahaan, kuwa ku bahoobay Urur goboleedka IGAD, waxaa aad lagu bogaadiyay dejinta siyaasad ay u dhan yihiin Dawladdaha qaybta ka ah ururka IGAD isla markaana waxaa la isla gartay in aad loo ilaaliyo doorka haweenka ee maamulka iyo la haanshaha dhulka.

Waxaa shirka lagu soo bandhigay xeerarka iyo siyaasadaha u qoran Afrika ee ku saabsan hababka loogu faa’ideesan karo dhulka iyo ilaalinta sinaanta la haanshaha dhulka ee dumarka.

Shirkan oo socday labo maalmood 27-28 July 2021, ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirada Wasaaraddaha masuulka ka ah arrimaha maamulka iyo siyaasada dhulka.

Waxaa laga soo saaray is-afgarad u dhaxeeya dawladaha ku bahoobay Urur goboleedka IGAD, iyadoo ay wada saxiixeen dhamaan Wasiirada kasoo qayb galay shirka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...