Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo sheegtay inay howlgal ku dishay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Buulo-burte (Halqaran.com) – Ciidanka xoogga Dalka Soomaliyeed ee ka hawlgalla dagmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa subixii Khamiista maanta howlgal qorsheysan waxay ku qaadeen deegaanka Afcad oo hoos yimada degmadaas oo ay ku sugnayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxa hoggaaminaya taliyaha qeybta 27aad Janeraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta 27aad  Janeraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) aya sheegay inay dagaalka ku dileen15 dagaalame, sidoo kalena ay ku burburiyeen fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa inta deegaannada Gobolka Hiiraan laga saarayo Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar Ciidanka dowladda la beegsada qaraxyo iyo dagaal toos ah.

Howlgalladii ugu dambeeyay oo Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameyeen degaano u dhaxeeya degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan, waxaana saraakiisha qeybta 27aad ay sheegeen inay guulo ka gaareen howlgalladaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...