Friday, May 1, 2026
30.9 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaaare Rooble oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka arrimaha dibada Ireland +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiirka Difaaca Ireland, Simon Coveney oo maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Midowga Yurub ee Ireland xubinta ka tahay, arrimaha doorashooyinka, taageerada amniga iyo Tageerada aragtida Somaliya ee ku aaddan dib-u-eegista Ciidanka AMISOM, dib u eegista Xayiraadda Hubka ee muddada dheer saaran Somaliya, maadaama ay xubin ka yihiin golaha amniga ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo dowladda Ireland uga mahadceliyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta dowladnimada Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antay xoojinta xiriirka ku qotoma iskaashi.

Wasiir Coveney oo ka mahadceliyay soo dhaweyntiisa Muqdisho ayaa bogaadiyay horumarka ay dowladdu ka gaartay arrimaha doorashooyinka, amniga iyo hannaanka dowlad dhisidda Somaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...