Ceelwaaq (Halqaran.com) – Agaasimaha guud ee hay’adda Duulista Hawada ee Kenya (KCAA) Gilbert Kibe ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaanka diyaaradii Arbacadii shalay ku dhacday degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
45 ruux oo rakaab ah ayaa saarnaa diyaaradda, waxaana xilliga ay cilada soo wajaheysay ay ku dhawaad xadka Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Elwak.
Agaasimaha guud ee hay’adda Duulista Hawada ee Kenya (KCAA) Gilbert Kibe ayaa sheegay in diyaarada ay ka ambabaxday garoonka diyaaradaha ee Wilson ee Nairobi, isla markaana ay kusii jeeday magaalada Mandheera ee waqooyi bari.
Garoomo Diyaaradeed oo ku yaal Gobolada dalka Soomaaliyeed qaarkood ayaa waxaa horay uga dhacay Shilal diyaaradeed, kuwaas oo qaarkood geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo burbur hantiyadeed.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





